Kooxda barayaasha waxay ka kooban yihiin baryaal khibrad u leh waxbarida qaxootiga iyo soo galootiga, isla markaana waxay khibrad u leeyihiin mawaadiicda lagu soo gudbinaya ololahan. Barayaasha waxay aqoon fiican u leeyihiin mawaadiicda la dhiganayo, kuligoodna waxay soo qaateen horudhac ku saabsan waxyaabaha la dhiganayo, ee loo isticmaalayo ololahan.
Koorso walbaa waxaa joogayo labo horjoogo, oo soo bandhigaya kooraska. Mid waxaa uu uu leeyahay khibrad wayn oo ku saabsan waxbarida, kan kale waxaa uu kasoo jeedaa dadyowga laga tiro badan yahay, si uu ucaawiyo ka qayb qaatayaasha.
Habkan barayaasha waxay awood u helayaan inay wax baraan ka qaybgalyaasha(intuba kuwa dhawaan yimid, qaxootiga degan, soo galootiga, dumarka, ragga iyo da’yartaba)
Labada qof ee barayaasha ah waxaa la iskugu dhafayaa, si ku haboon waxa markaa la dhigayo iyo isla markaas dadka loo dhigayo kooraska.
We use cookies to ensure that we provide you with the best possible experience of our website. If you continue to use this site, we will assume you agree with it.