Ku saabsan ololaha

Ujeeddada

Ujeeddada guud ee koorsooyinkan waxay tahay in la muujiyo sinaanta iyo in la yareeyo xakamaynta bulshada ay ku hayaan dumarka, ragga iyo dhalinta kasoo jeeda dadyowga laga tiro badan yahay.

Waxaan loogu talagalay koorsooyinka in kor loogu qaado aqoontaada iyo in la abuuro dood iyo dib u eegid ku saabasan xaquuqda, sinaanta iyo xakamaynta bulshada, iyadoo xooga la saarayo dumarka iyo ragga ka soo jeeda dadyowga laga tiro badan yahay, aqoontan aad ku baranaysa koorsooyinkana waxay kaa caawinayasaa inaad kaga hortagto caqabadaha la xidhiidha xaquuqdaada, sinaanta iyo xakamaynta bulshada ee aad la kulmi karto maalin walba.

Ujeeddada koorsooyinka marka laga hadlayo dumarka iyo gabdhaha, waxay tahay in la baro dumarka iyo gabdhaha aqoonta la xidhiidha xuquuqdooda sida dhaqaalaha, isfurida, dilka, jinsiga, gabadhnimada iyo iwm. isla markaasna waxaa la abuurayaa dood ku saabsan xakamaynta bulshada iyo sinaan la’aanta ka dhex jirta dumarka, Sidoo kale koorsooyinka waxaa loogu talagalay in kor loo qaado, oo la kobciyo aragtida iyo la tacaamulka hooyooyinka, ee la xidhiidha barbaarinta iyo waxbarashada caruurtooda, tani oo raad ku yeelanayso horumarka ilmaha iyo siduu ooga faa’daysan lahaa furaska ka jira bulshada dhexdeeda

Ujeeddada koorsooyinka marka la eego dhanka ragga iyo wiilasha, waxaa xooga la saaraya sinaanta ka dhaxaysa dumarka iyo ragga ee ku qotanta dastuurka Deenmaark, sida in loo siman yahay tusaale ahaan furiinka, dhaqaalaha, arimaha qoyska, iska hor imaadka qoyska, wayaabaha la xidhiidha jinsiga, iyo dawrka ninka ama aabaha marka la joogo Deenmaark. Koorsooyinka waxay siddaa daraadeed ka qayb qaadanayaan, in raggu ay u arkaan inay tahay “faa’iido”, haddi dumarku ay galaan suuqa shaqada, isla markaana waxay yaraynaysaa xakamaynta bulshada.

Dadka loogu talagalay

Koorsada waxaa loogu talagalay dhamaan dadka asalka kale leh, ee ka soo jeeda dadyowga laga tiro badan yahay ee ku dhaqan Deenmaark. Guud ahaan waxaa loo gu talagalay koorsada labuduba dhalinta iyo dadka waawayn, sidoo kale soo galootiga iyo qaxootiga, kuwaasoo dhawaan yimid Deenmaark, bilaabayna inay bartaan afka daanishka, iyo kuwa joogayba Deenmaark mudo dheer, laakiin weli dareemaya inay u baahan yihiin aqoon ku saabsan sinaanta iyo xuquuqda ka jirta Deenmaark. Hoos waxaad ku arki kartaa warbixino dheeraad ah, oo ku saabsan koorso walba, iyo dadka loogu talagalay.

Koorsooyinka waxaa loo diyaariyay in lagu qabto iskuulada luqada, naadiyada iyo meelaha ururada, iyadoo diirada la saarayo sinaanta/ama isdhexgalka wadanka oo dhan. Ururada u arka in koorsooyinka ay ku haboon yihiin in loo dhigo xubnahooda, waa ay dalban karaan.

 

Koorsooyinka iyo wax barida

Waxaan bixinaynaa 5 koorso oo kal duwan, kuwaasoo ay dhigayaan barayaal aqoon u leh Barayaasha waxaa laga soo shaqaaleeyay wadanka oo dhan, waana dad xirfadlayaal ah. Waxaa xooga aad loo saaray in la helo barayaal xirfad fiican u leh waxbarida, isla markaana sawir fiican siin kara dadka ka qayb qaadanaya koorsada. Ujeedadu waa in dhamaan kooxda barayaashu ay leeyihiin xirfad waxbarid, isla markaana ay muujin karaan sawir fiican oo ku dayasho mudan

Kooriska waxaa loo dajiyay, in laga dooran karo inta markaa loo arko inay ku haboon tahay dadka ka qayb qaadanaya. Fikradu waa, in marka hore laga bilaabo koorsada asaasiga ah, kadib dadka ka qayb qaadanay ay sii qaataan koorsooyinka kale ee ku haboon. Koorsooyinka sare waxaa loo sameeyay in si qoto dheer looga wada hadlo mawduuca sinaanta, iyadoo marwalba lagu jaan gooynayo dadka ka qayb qaadanaya kooraska.

Kooraska bilowga waa koorso horudhac ah, waxaana si guud looga talagalay ka qayb galayaasha oo dhan. Iskuulada luqada waxaa si gooniya koorsooyinka loogu soo bandhigayaa ardayda waxbarshada daanishka 1(DU1) moodulka 6 iyo ardayda waxbarshada daanishka 2(DU2)moodulka 5, kawaasoo ay gaarsiisan tahay heerka waxbarshadooda daanishka inta u dhaxaysa A1 iyo B1, habkan waa habka yurub loo qiimeeyo heerka luqada qofka.

Kooraska waxaa ku jira warbixino iyo doodo guud oo ku saabsan cadaalada iyo sinaanta ka jirta Deenmaark, iyo sidoo kale micnaha ay u leedahay cadaalada iyo sinaanta muwaadinka ku dhex nool bulshada daanishka. Halkan waxaa looga hadlayaa sida dumarka iyo ragga ay u leeyihiin, xuquuq iyo waajibaad isku mid ah suuqa shaqada, guurka iyo qoyskaba. Sidoo kale waxaa laga hadlayaa sinaanta u dhaxaysa wiilasha iyo gabdhaha, iyo xuquuqda ay leeyihiin, iyadoo loo fiiranayo da’da ay jiraan, iyo inay keligood wax dooran karaan, marka loo eego waalidka ama mas’uul kale.

Koorska buluuga waxaa loogu talagalay soo galootiga iyo qaxootiga, kuwaasoo ku noolaa Deenmaark mudo dheer, oo ku filan in heerka luqadooda daanishka ay gaadhsiisan tahay heer u dhexeeya A2 iyo B1. Waa ay ku cusub yihiin Deenmark ilaa xad, waxayna u baahan yihiin inay bartaan sinaanta ka jirta Deenmaark, si horudhac ah oo kale. Kooraska waxaa loogu talagalay dadka waawayn ee ka soo jeeda dadyowga laga tiro badan yahay, ee guursaday islmarkaana caruur leh, mawaadiicda koorskana waxaa uu ku haboonyahay ka qay galayaasha. Waxaana ka mid ah sinaanta suuqa shaqada iyo guurka, sidoo kale waxaa ka mid sinaanta barbaarinta wiilasha iyo gabdhaha

Kooraska casaanka waxaa loogu talagalay dadka waawayn ee ka soo jeeda dadyowga laga tiro badan yahy, ee guursaday caruurna leh. Kooraskan waxaa loo qoondeeyay dadka deganaa Deenmark mudo dheer. Kooxdan waxaa laga filayaa inay leeyihiin aqoon guud oo ku saabsan sinaanta iyo cadaalada ka jirta Deenmaark, laakiin waxay rabaan inay waxbadan ka ogaadaan sida arimuhu isugu xiran yihiin Kooraskan waxxaa sidaa daraadeed ku jira waxyaab badan oo la xidhiidha sinaanat iyo cadaalada, ee la xidhiidha nolol maalmeedka qoyska ee Deenmaark, sida qofka inuu isaga shaqaysto, mas’uuliyada waalidka, isfuritaanka, iyo sidoo kale in dhalinta iyo dhalaanka wax dooran karaan.

Kooraska cagaaraka waxaa loogu talagalay qaybta da’ yarta ee ka qayb galayaasha. labadaba dhalinta qaangaadhay iyo kuwa aan qaangaadhinba, oo aan weli guursan caruurna lahayn. Kooraska waxaa loo qoondeeyay dhalinta dhawaan timid Deenmaark, kuwaasoo gaadhay heerka luqada u dhaxaysa A2 iyo B1, isla markaasna leh aqoon xadidan oo ku saabsan bulshada daanishka iyo sinaanta. Kooraska wuxuu siinayaa hordhac ku saabsan sinaanta, sidoo kale kooraska wuxuu taabanayaa mawaadiic la xidhiidha, sida in gabdhaha iyo wiilasho ay u siman yihiin waxbarashada iyo waqtiyada firiiga ah. iyo sidoo kale dhaqanka dhalinyarada jidadka iyo meelaha la wadaago, iyo xuquuqda waalidka iyo mas’uuliyiinta kale.

Kooraska jaalaha waxaa loogu talagalay dhalinta aan weli guursan, caruurna aan lahayn, waxaa loogu talagalay dhalinta ka soo jeeda dadyowga laga tiro badan yahay, kuwaasoo ku noolaa Deenmaark mudo dheer, islamarkaasna leh aqoon guud oo la xidhiidha xaquuqdooda iyo sinaanta, laakiin doonaya inay si qotodheer u fahmaan, habka ay ugu yeelan karto raad noloshooda. Kooraskan waxaa looga hadlayaa mawaadiic sida saaxiibtinimada, xiriirka waalidka, doorashada, sidoo kale waxaa looga doodi ka qayb qaadashada bulshada.

Ayaa ka danbeeya

Ololaha XAQA SINAANTA waxaa fulinya hay’ada qaxootiga Daanishka iyo Als Research, iyagoo matalaya qaybta sinaanta ee wasaarada arimaha dibada. Ololaha waxaa la fuliyay iyadoo wadshaqayn ay dhexmartay qaybo kala duwan. Waxaa ka mid ah xarunta qaxootiga nugul, qaybta isdhexgalka hay’da qoxootiga daanishka, qaybta guryaha, Art Director Sasha Jespersen, Vintergaard Media iyo web-bureauet Dife

XAQA SINAANTA waa qayb ka mid ah qorshaha xukuumada ee looga hortagayo dhibaatooyinka la xidhiidha iska horimaadyada la xidhiidha sharafta iyo xakamaynta bulshada laga bilaabo 2016.

Waxbarashada koorsooyinka waxaa la isku duba riday gu’ga 2018, waxaana la qorsheeyay in la fuliyo 2018-2020

Su’aalaha la xidhiidha ololaha kala xidhiidh info@rettilligestilling.dk.

 

Vælg dit sprog / Choose your language

We use cookies to ensure that we provide you with the best possible experience of our website. If you continue to use this site, we will assume you agree with it.