KU SOO DHAWOOW KOORASKA CAGAARAN

Halkan waxaad ku arki filin gaaban, oo ka mid ah kooraska.

Kooraska cagaarka ah, filin gaaban 1,
Sinaanta wiilasha iyo gabdhaha

Filinkan gaaban waxaa uu sharxayaa sinaanta ka dhaxaysa wiilasha iyo gabdhaha, iyo xuquuqda da’yarta Denmaark. Filinka waxaa uu ka sheekaynayaa, gabar sheegaysa in loola dhaqmo si cadaalad daro ah guriga, oo loo diro shaqo ka badan tan walaalkeed loo diro guriga.

Kooraska cagaarka ah, filin gaaban 2,
Waalid

Filinkan waxaa uu ka sheekaynayaa xaquuqda wiilasha iyo gabdhaha yaryar ay ku leeyihiin waalidkood, iyo mas’uuliyda waalidka ka saaran caruurtooda. Ka dib filinka waxaa uu ku tusayaa gabar iyo wiil walaalo ah iyo hooyadood, hooyada ayaa ka sheekaynaysa in waagii hore ay gabdha aad isha oogu hayn jirtay, laakiin hadda ay labadub si kalsoon leh oola dhaqanto.

Kooraska cagaarka ah, filin gaaban 3,
Iskuul iyo waqtiga firaaqada.

Filinkan gaaban waxaa uu sharxayaa in gabdhaha iyo wiilasha yaryar ay xaq u leeyihiin, inay dooran karaan waxbarashadooda iyo waxa ay samaynayaan waqtiga firaaqada. Filinkan waxaa lagu soo xidhayaa dhacdo, halkaasoo 3 gabdhood oo yaryar ay ka sheekaynayaan wax ku saabsan isboortiga iyo in gabdhuha ciyaaraan kubada cagta.

Kooraska cagaarka ah, filin gaaban 4,
Nolosha da’yarta

Filinkan gaaban waxaa uu ka shekaynayaa dhaqanka iyo waxyaabaha laga filayo gabdhaha iyo wiilasha da’da yar, iyo hab dhaqankooda marka la joogo meelaha caamka ah, iyo sida ay iyagu usula dhaqmaan. Filinkan gaaban waxaa lagu soo xidhayaa dhacdo, halkaasoo nin da’yar oo Afgaanistaan ah, uu ka sheekaynayo inuu la qabsaday, inuu saaxiib la noqdo gabdho Deenmaark.

Siddoo kale waxaad ka akhrin kartaa wax badan oo ku saabsan xaquuqda iyo sinaanta ka jirta Deenmaark, haddaa soo dejisato XAQA SINAANTA buuga kooraska halkan.

Ka akhri wax badan oo ku saabsan ololaha XAQA SINAANTA halkan.

Vælg dit sprog / Choose your language

We use cookies to ensure that we provide you with the best possible experience of our website. If you continue to use this site, we will assume you agree with it.