KUSOO DHAWOOW KOORASKA CASAANKA AH

Halkan waxaad ku arki kartaa filin gaaban, oo ka mid ah kooraska cas

Kooraska cas, filin gaaban 1,
sinaanta iyo suuqa shaqda

Filinkan gaaban waxaa uu ka hadlayaa sinaanta u dhaxaysa dumarka iyo ragga suuqa shaqada, iyo inay u siman yihiin xaga dhaqaalaha, iyo wax laga filayo in qof walbaa uu sameeyo. Filinka waxaa uu ka sheekaynaayaa lamaane kasoo jeeda Lubnaan, iyo sida ay oola qabsadeen in haweenaydu shaqayso, iyo raadka ay shaqada haweenayda ku leedahay dhaqaalaha qoyska iyo koritaanka caruurta.

Kooraska cas, filin gaaban 2,
sinaanta guurka

Filinkan waxaa uu ka hadlayaa in guurka loo siman yahay, waxaana la sharxayaa qawaaniinta iyo xaquuqda ragga iyo dumarka, marka la is furayo. Filinka waxaa laga sheekaynayaa lamaane daanish ah, oo go’aansaday inay kala tagaan, madaama uu dhamaaday jacaylkii ay isu qabeen. Waxayna ka sheekaynayaa, sida ay hadda u yihiin saxiibo fiican, oo ay u qaysadaan mas’uuliyada caruurtooda

Kooraska cas, filin gaaban 3,
Xuquuqda caruurta iyo barbaarintooda

Filinkan gaaban waxaa uu ka hadlayaa sinaanta tarbiyada wiilasha iyo gabdhaha, iyo sida wiilasha iyo gabdhaha ay u heli doonaa xuquuq badan iyo mas’uuliyad badan, marka ay waynaadaan. Filinka waxaa ka hadlay barbaariye sharxaya barbaarinta faa’iidada u leh wiilasha iyo gabdhaha, iyo waxa laga filayo wiilasha iyo gabdhaha inay noqdaan.

Kooraska cas, filin gaaban 4,
Dhalinta iyo isku filaanshaha

Filinkan gaaban waxa uu ka hadlayaa xaquuqda dhalinta iyo isku filaanshahooda. Filinka waxaa uu ka hadlayaa in dhalinta ay wax keligood dooran karaan. Filinkan waxaa lagugu tusayaa hooyo iyo gabadheeda iyo wiilkeeda, iyo walwalka ay ka qabto, iyo inay qawaaniin adag u samaysay gabadha. Waxay ka sheekaynayaa, sida hooyadu ay u growsatay inay gabadha si kalsooni leh ula dhaqanto, siddaa daraadeed way bedashay habki ay oola dhaqmi jirtay gabadha.

Siddoo kale waxaad ka akhrin kartaa wax badan oo ku saabsan xaquuqda iyo sinaanta ka jirta Deenmaark, haddaa soo dejisato XAQA SINAANTA buuga kooraska halkan.

Ka akhri wax badan oo ku saabsan ololaha XAQA SINAANTA halkan.

Vælg dit sprog / Choose your language

We use cookies to ensure that we provide you with the best possible experience of our website. If you continue to use this site, we will assume you agree with it.