Halkan waxaad ku arki kartaa filin gaaban, oo ka mid ah kooraska.
Halkan waxaad ku arki kartaa filin gaaban, oo ka mid ah kooraska.
Filinkan gaaban waxaa uu ka hadlayaa sinaanta u dhaxaysa ragga iyo dumarka bulshada dhexdeeda iyo suuqa shaqada. Filinka waxa uu ku tusayaa lamaane ka soo jeeda Lubnaan, iyo sida ay ula qabsadeen in haweenaydu shaqayso Waxay ka sheekaynayaa sida aya faa’iidu ugu leedahay qoyska, marka ay haweenaydu shaqayso.
Filinkan gaaban waxaa ku saabsan yahay in dumarka iyo ragga ay leeyihiin isku mid ah xaga guurka iyo is furiinkaba. Filinka haweenay ayaa ka sheekaynaysa inay la soo kulanatay dhibaatooyin kaga yimid guur horay usoo maray, iyo dhibaatooyin ka soo gaaray xakamaynta bulshada. Waxay ka hadlaysaa waxyeelooyinkii ka soo gaaray guurkaas, iyo habkii loo caaawiyay, ee ay iskaga furtay ninkii.
Filinka waxa uu ka sheekaynayaa wax ku saabsan barbaarinta wiilasha iyo gabdhaha, iyo fursadaha ka jira xarumaha, iskuulada iyo meelaha waxbarashada daanishka. Filinka waxaa looga hadlayaa hooyo Paakistaan ah, iyo sida caruurtooda loogu sii xanaaneyo, si ay iyada u shaqayso. Iyada iyo barbaariye caruureed, ayaa ka sheekaynaya sababta ay ugu fiican tahay caruurta yaryar, in la keeno xarumaha caruurta.
Filinkan gaaban waxa uu ka sheekaynayaa xaquuqda caruurta iyo dhalinyarada, iyo marka ay waynaadaan. Filinka waxa uu ka hadlayaa wiil, gabar iyo hooyodood, iyo sida hooyadu ay gabadha aad oogu ilaalin jirtay, iyo sida hadda ay u fahmeen in gabadha iyo wiilka isku si loola dhaqmo, oo kalsoon buuxdo la siiyo.
Siddoo kale waxaad ka akhrin kartaa wax badan oo ku saabsan xaquuqda iyo sinaanta ka jirta Deenmaark, haddaa soo dejisato XAQA SINAANTA buuga kooraska halkan.
Ka akhri wax badan oo ku saabsan ololaha XAQA SINAANTA halkan.
We use cookies to ensure that we provide you with the best possible experience of our website. If you continue to use this site, we will assume you agree with it.