KU SOO DHAWOOW KOORASKA JAALAHA

Halkan waxaad ku arki filin gaaban, oo qayb ka ah kooraska.

Kooraska jaalaha ah, filin gaaban 1,
Xuquuqda iyo cilaaqada waalidka.

Filinkan gaaban waxaa uu sharxayaa sinaanta wiilasha ioyo gabdhaha da’da yar, iyo xuquuqda ay leeyihiin ka dhalinyaro ahaan. Ka dib, filinka waxaa lagugu tusayaa, gabadh da’yar ah, oo ka sheekaynaysa inay la kulanto cadaalad daro guriga, oo loo daro shaqo ka badan tan walaalkeed loo diro, iyo sida tani ay raad ugu yeelay koriinkeeda.

Kooraska jaalaha ah, filin gaaban 2,
Wajibaadka iyo mas’uuliyada

Filinkan gaaban waxaa uu sharxayaa, xaquuqda wiilasha iyo gabdhaha da’yarta ah, ay ku leeyihiin waalidkood, iyo in waalidka ay xukumaan caruurtooda. Ka dib, waxaa lagugu tusayaa filinka dhacdo, halkaasoo wiil, gabadh iyo hooyadood ay ka sheekayanayaa in gabadha loo samayn jiray qawaaniin gaar ah, laakiin hadda labduba si kalsooni leh loola dhaqmo

Kooraska jaalaha ah, filin gaaban 3,
Saaxiibo iyo waqtiga firaaqada

Filinkan gaaban waxaa uu sharxayaa in gabdhaha iyo wiilasha yaryar ay xaq u leeyihiin, inay dooran karaan waxbarashadooda iyo waxa ay samaynayaa waqtiga firaaqada. Filinka waxaa lagu soo xidhayaa dhacdo, ay 3 gabdhood ka sheekaynayaa inay jabiyeen caadooyinkii, oo ay ciyaaraan isboortiga isdifaaaca ama kubada cagta

Kooraska jaalaha ah, filin gaaban 4,
Saaxiib iyo nolosha galmada

Filinkan waxa uu ka sheekaynayaa inay gabdhaha iyo wiilasha, ay xaq u leeyihiin doorashada qofka ay la wadaagayaan nolosha iyo noloshooda jinsiga. Filinkan gaaban lamaane kala asal duwan oo doortay inay isguursadaan, iyadoo hooyada gabadhu ay kasoo horjeeday rabitaankooda.

Siddoo kale waxaad ka akhrin kartaa wax badan oo ku saabsan xaquuqda iyo sinaanta ka jirta Deenmaark, haddaa soo dejisato XAQA SINAANTA buuga kooraska halkan.

Ka akhri wax badan oo ku saabsan ololaha XAQA SINAANTA halkan.

Vælg dit sprog / Choose your language

We use cookies to ensure that we provide you with the best possible experience of our website. If you continue to use this site, we will assume you agree with it.