KU SOO DHAWOOW KOORSKA HORUDHACA

Halkan waxaad ku arki kartaa filin gaaban, oo ka tirsan kooraska

Kooraska horudhac, filin gaaban 1,
sinaanta Deenmaark

Filinkan gaaban wuxuu ka sheekaynayaa sinaanta ka jirta Deenmaark, wuxuuna sharxayaa sida ragga iyo dumarka u siman yihiin bulshada daanishka. Filinkan gaaban wuxuu ka sheekaynayaa dad joogo wadada koobanheegan, wuxuuna ku tusayaa micnaha ay u leedahay noloshooda sinaanta.

Kooraska horudhaca, filin gaaban 2,
shaqada iyo dhaqaalaha

Filinkan gaaban wuxuu ka sheekaynayaa, in labaduba dumarka iyo raggu ay shaqeeyaan Deenmaark, oo ay u siman yihiin suuqa shaqada. Filinkan gaaban wuxuu ka sheekaynayaa lamaana Lubnaan kasoo jeeda, iyo sida ay ula qabsadeen bulshada daanishka ah. Waxay ka sheekaynaan in haweenaydu ay shaqayso, iyo sida ninku uu usoo dhaweeyay isbedelkan.

Kooraska horudhaca, filin gaaban 3,
guurka iyo furiinka

Filinkan gaaban wuxuu ka sheekaynayaa in ragga iyo dumarka u siman yihiin guurka iyo furiinka, oo isku xuquuq iyo waajibaad leeyihiin. Filinkan gaaban wuxuu ka sheekaynayaa haweenay lagu daray nin loo soo dooray, ninka oo ahaa mid ku xad gudba oo la dagaalo haweenayda. Haweenayda waxay ka sheekaynaysaa sidi ay mas’uuliyiinta iyo asxaabta uga caawiyeen inay iska furto.

Kooraska horudhaca, filin gaaban 4,
xaquuqda caruurta iyo barbaarintooda.

Filinkan gaaban wuxuu ka hadlayaa wax ku saabsan sinaanta wiilasha iyo gabdhaha, wuxuuna sharxayaa in gabdhaha iyo wiilashu ee leeyihiin xuquuq isku mid ah, oo ay tahay in isku si loo tarbiyeeyo. Filinkan gaabana qof barbaariye ah, ayaa ka sheekaynaya in gabdhaha iyo wiilasha isku si loogu tarbiyeeyo xarumaha Deenmaark, oo labuduba waxaa la baraa waxa ka dhexeeya dadka iyo mas’uuliyada saaran.

Kooraska horudhaca, filin gaabn 5,
Dhalinta iyo isku filaashaha

Filinkan gaaban waxa uu ka sheekaynayaa in dhalintu ay doorasho leeyihiin, iyo xaquuqda ay leeyihin marka ay waynaadaan. Filinka gaaban waxa uu ka sheekaynayaa labao dhalinyara oo goostay inay is guursadaan, kana hor imanaya rabitaanka waalidka. Waxay ka sheekaynayaa inay aad oogu faraxsan yihiin noloshooda, isla markaana ay hadda xiriir fiican la leeyihiin waalidkood, oo waalidka ay aqbaleen guurkooda.

Siddoo kale waxaad ka akhrin kartaa wax badan oo ku saabsan xaquuqda iyo sinaanta ka jirta Deenmaark, haddaa soo dejisato XAQA SINAANTA buuga kooraska halkan.

Ka akhri wax badan oo ku saabsan ololaha XAQA SINAANTA halkan.

Vælg dit sprog / Choose your language

We use cookies to ensure that we provide you with the best possible experience of our website. If you continue to use this site, we will assume you agree with it.